DAAWO; MD Muuse Biixi oo markii ugu horeysay si Cajiib ah uga hadlay Xariga Boqor Buurmadow & Wuxuu salka ku hayo

217

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xariga Boqor Cusmaan Maxamuud Buurmadow oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Boqorka ay ahaayeen saaxiibo,islamarkaana uu qeyb ka qaatay ololihiisa doorashada.

Wuxuuna sheegay iney soo eedeysay xeer ilaalinta Somaliland laguna soo oogay inuu yiri hadal ka hor imaanaya sharciga Somaliland,sida uu madaxweyne Biixi hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in tagitaanka Boqor Buurmadow ee deegaanada Puntland iyo xarigigiisa isku xirneyn.