Warbixin Xasaasi Ah: Falanqeynta Dawlada Jabuuti Geeska Afrika Miyaa Laga Tirtiray?

358

Madaxweyne Farmaajo, Ra’aysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa waxay sameysteen koox la baxday ESE, oo ah magacyada wadamadooda oo la soo gaabiyey
Kooxda hal abuur kooda oo ay lahayd dawlada imaaraadka waxay doonayaan inay samaystaan urur la tartama ururka IGAD.
Waa inaan iswaydiino.waa sidee xaalada siyaadadeed ee arimaha gudaha sadexdan dal ee itoobiya, ereteriya iyo somalia waqtigan la joogo
Xaalada wadanka itoobiya waqtiga:
waxaa ka jira wali dalka itoobiya kacdoonkii bilowdey 2014 ee ahaa colaada Qawmiyadaha wali waa socdaa xal siyaasadeed lagama gaarin dalka waxaa ka jirta dhaqaali xumi weyn oo ah wadanka oo dhan wa yeeshay dalka shiinaha oo amaah aan la aqoon siyeey kooxdii meesha laga saarey ee tigreega.
Waxaa jirta shaqo la’aan baahsan gaajo iyo colaad wadanka oo kala xiran.
Xaalada. Siyaasadeed ee wadanka Eriteriya:
Ereteriya waa wadan cuna qabateyn saaran tahay dhaqaalo xumi weynka jirto Dhalin yarada waxaa lagu qasbaa ciidanka ama shaqada dawlada ah oo qasab ah
Cuntada iyo wax walba waa qaali mushaarka dadka qaataan maalin ayaa lagu qadeeyaa.
Sidaas darteed dad badan oo aanan doonaynin in ay ciidanka ka mid noqdaa ama shaqada qasabka galaan wadada kaliya ee u furan waxay tahay inay wadanka ka qaxaan
Maanta waxa ay dadka reer Eritrea ka buuxaan xerooyin qaxooti oo ku yaala Itoobiya iyo Sudan, ama waxa ay isku biimeeyaan saxaraha iyo badda Mediterranean si ay u gaaraan qaaradda Yurub.
Waa dal uu xukumo nin dictayter(kaligiis taliye ah) ah oo dhiigya cab ah dadka wax mucaarada Koronto ayaa lagu dilaa Eritrean-ka waxa ay noqdeen dadka ugu badan ee tahriiba, Qaarada afrika.
Xaalada siyaasadee ee wadanka soomaaliya:
Somalia waa dal u kalo go’ay qeybo Faderaal Xuduud qabiil ku dhisan dawlad awood dhexe oo hotel xafiis u yahay madax ku raasta musuq maasuq ku yimid dil joogta ah iyo Qarax joogta ah oo kooxda al shabaab wadaan.
kama jirto ciidan qaran malaha dhaqaale qaran malaha
Iyagoo sadexdan dawladoo ku jiraa liiska dawladaha fashil may ee caalamka(.Fragile States) Ethiopia. Eritrea ,somalia failed states in the Horn of Africa,
Halkan waxaa nooga cad in dawladnimada waqtiga ka jirta somalia , Eritrea , Ethiopia ay caalamka ka yihiin dawlado fashil may.
Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid galay marxalad siyaasadeed oo cusub, iyadoo dawlada jabuuti laga saaray inay tahay geeska afrika.
Waxaa cad inay jiryo Siyaasada is riixriixa oo u dhaxaysa Mareykanka iyo Shiinaha, iyo dawlada imaaraadka carabta oo siyaasadan qeyb weyn ka qaadaneysa inay dakadaha geedka afrika ka dhigto meel colaadeed si ay danteeda oga hesho.
waa garan karnaa danta ka dhaxaysa itoobiya iyo Eriteriya waa laba dal oo waqti dheer hal dal isku ahaa ka dibna dagaal dheer dabadiid Go’aan ku gaarey inay kala go’aan wali wax badan ayaa ka dhaxeeya sida xuduud dhuleed ayaa ka dhaxeeya mid dhaqan ayaa ka dhaxeeya iyo mid taariikheed
Waxaa wanaagsen inaan wax iska way diino somalia iyo itoobiya iyo eriteriya maxaa ka dhaxeeya oo isku qasbi kara inay sidaan isugu soo dhawaadaan dawlada jabuutina colaad loogu abuuro shacabka soomaaliyeed.
Waxaan wada og nahay in hore Hadalka qoraal oo ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, kaaso ay kaga hadashay xiriirka somalia iyo Eritrea
in dawlada Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea, laakinse wax la ogolaan karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo ku jirta qayb dhulkeenna ka mid ah, welina beeninaysa inay hayso maxaabiis reer Jabuuti Aduunkana waxaan u diraynaa fariin ah in cunaqateynta laga qaado dawlada Eritea.
Khaladkaa ay tirsaneyso dawlada jabuuti waa mid ugaara hogaanka madaxweyne Farmaajo.
Waxaa iska cad in ay meel xun marayso colaada dawlada jabuuti u qaadey madaxweyne farmaajo
Waxaa dad badan oo soomaaliya is waydiinayaan Su’aal loo waayey jawaab
Wuxuu yahay heshiis yadan badan ee Madaxda sadexda dal Eritrea, somalia iyo itoobiya heshiis deg deg ah kala saxiixdaan iyagoo la tashan shacab koodii golayaashii wakiilka ka ahaa nooca hashiiska ayaa ah in iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.
Goormaa dawlada jabuuti laga saarey geeska afrika. Sidee heshiisku ku dhaqan gali jabuuti oo diidan
Waa maxay danta dawlada imaaraadku?
Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay dharbaaxo aan toos ah la heshay Jabuuti waxayna doonaysaa in Badeecadaha Ethiopia uga soo dega Dekeddaha Jabuuti loo wareejiyo Dekeddaha Asmara iyo Musawac ee dalka Eritrea.
Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 million oo qof waxay 95% ganacsi la leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo ay ka soo degaan Badeecadaha ay u baahan yihiin dadka Ethiopia. 30 sano ee uu xumaa xiriirka Ethiopia iyo Eritrea
Heshiiska Nabadda ee Ethiopia iyo Eritrea:
Waxaa si hoose u soo diyaariyey dawlada imaaraadka markay ogaatey ina meesha ka baxeen hogaankii adkaa ee Tigreega ahaa.
Madaxda Ethiopia iyo Eritrea waxay bogaadiyeen doorka Imaaraadka Carabta ka ciyaartay
Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabeyn
Waa inaan is waydiinaa su’aalo dhawra
Maxay tahay sababta ay Itoobiya u danaynayso inay isku koox noqdaan Somali iyo eriteriya oo jabuuti meesha looga saaro ayaa siyaasadan gadaal ka taagan
Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo marinka tareenka jabuuti itoobiya siday u xaqiri kartaa shaqadaa adeega ah ee sodonka sano loo hayey.
Wax walba taariikhda ayaa ka jawaabidonta.
Danjire Mahamed Caalim
caalim68@hotmail.com

Daljire Media.