Maxaa keenay Mooshinka Xildhibaanadda ee ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo?

362

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xafiiskiisa ku qabtay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo ay goor dhow gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. oo kaba dan 120 xildhibaan

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay waxay War baahinta u sharixi doonaan waqti dhaw
mooshinka ay gudbiyeen ujeedadiisa iyo Qodobada ay u ku waa Faqsan sharciga Dastuurka.in Madaxweyne mooshin laga keeni koro.

Ma kala cadda ujeedada qarsoon ee laga leeyahay Mooshinka cusub, ee dusha loo saaray Hogaanka Madaxweyne Farmaajo

inkastoo aan aamin sanahay in mooshinkan yahay kii kowaad ee ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo waa mid sax ah oo loo baahna in Madaxweynaha ogaado in Tala lala leeyahay.

Markii uu Raysal wasaaraha madaxweyne Farmaajo magacaabay xukumada uu hogaamiyo kharar Galisay inay musuq maasuq kubur buriso Golayaasha sharci dajinta iyo maamul Gobaleed yada Xaqiraad saarto Figradaha siyaasada mucaaradka ee wax lagu saxayo diido horumarka Shacabka somaliland ee caalamku kaalmeeyo diido wada hadalada somaliland iyo somalia

Waxaan rumaysanahay in Mooshinkaasi abuuri karo Khilaaf-siyaasadeed oo carqaladayn kara wada-shaqaynta Golayaasha Dowladda, isla markaana wax u dhimayo dareenka Ummadda Soomaaliyeed oo iyagu ku soo daalay Khilafyadda ka dhashay Mooshinadda. Wali good laga keeno kooxa villa somali taladeeda xoog ku qaata.

Waxaana isweydiin mudan, Xildhibaanadda Mooshinka diyaariyey ma waxay qoonsadeen Maamulka iyo Siyaasadda Madaxweynaha ?,

Ma Gorgortan Siyaasadeed oo kursiga Raysal wasaare cusub?

mise waa Mooshin ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee Taagan ? Madaxweyne Farmaajo ma ka badbaadi doonaa Mooshinkan, uu asigu iskii khalad uu sameeyey mooshin noqday

Qormadaan waxaa qoray Aqoonyahan Soomaaliyeed, siyaasi in ka badan 30 ka faaloonaayey arimada soomaliya iyo tan geeska afrika

Qore Danjire Mahamed Caalim

Daljire Media