Labo Wariye Oo Inta Xarun Idaacadeed Ay Ka Howlgalayeen Loogu Galay Kadibna Lagu Toogtay

106

Labo Wariye oo udhashay Dalka Afgaanistaan ayaa inta Xarun Idaacadeed ay ka howlgalayeen Kadibna latoogtay,taas oo hadda faah faahino laga helayo.

Xarunta La Weeraray ayaa lagu magacaabaa Radio Hamsada waxayna ku taallaa Magaalada Taloqan.

Dawlada Afgaanistaan ayaa xaqiijisey Geerida Labada Wariye oo lagu kala magacaabi jiray Shafiq Aria iyo Rahimullah Rahmani.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi lagu weeraray Magaalada Taloqan Ee Caasimada Gobolka Takhar.

Afhayeen uhadlay Gudoomiyaha Gobolka weerarka dilka ka dhacay oo lagu magacaabo Jawad Hejri ayaa sheegay inay socdaan baaritaan ku aadan sida ay wax udhaceen.

Labo nin oo hubeysan ayaa la sheegay inay weerarkaasi fuliyeen kuwaas oo kadibna ka baxsaday Warbaahinta ay beegsadeen kolkii ay dilkaasi geysteen