Sawiro MD xaaf ducaale oo ciidamo Hor leh diyaarsaday Hanjabaadna Jeediyay

158

(Daljire.com)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta booqday xerada Ciidamada Daraawiisha Galmudug
Madaxweynaha ayaa u jeedka booqashadiisu aheed in uu ogaado xaalada ciidanka iyo baahiyaha ay qabaan

Boqolaal Ciidamada Daraawiisha Galmudug ah oo degenaa xerada uu booqday Madaxweynaha ayaa waxa uu u balan qaaday in ay helayaan xaquuqaadka ay leeyihiin

Madaxweynaha Galmudug ayaa Ciidamada kula dardaarmay in ay ka hortagaan cadawga oo ay shacabkooda ka difaacan waxaa kale uu intaas ku daray in looga baahanyahay in ay ka hortagaan kuwa isbaarooyinka dhigta oo shacabka jidadka ku dhibaateeya iyo kuwa dhirta xaalufiya

Kormeerkaan uu sameeyay madaxweyne xaaf ayaaa ku soo adaya xili maalmihii lasoodhafay uu kusugnaa magalada galkacyo

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com