Wax Qabadka Madaxweyne Farmaajo ee labada sano ee xilka uu hayey waa siyaasiga xanaaqsan ayaa wax qabadka diidan!

138

{Daljire.com}-8-bishan aan ku jirna Ee February 2019 waxaa ay ku began tahay 2-sano guuradii kasoo wareegatay markii Madaxweynaha Dalka loo doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,doorashada ka hor waxaa uu balan-qaaday waxaana uu madaxweynaha uu sheegay in uu keeni doono dowlada wanaagsan oo wax tarta Ummada Soomaaliyeed Arrimo dhowr ah ayuuna balanqaaday waxaana kamid ah:- 1-In la xoojinayo sirdoonka Soomaaliya. 2-dib u dhis lagu sameenayo goobaha Al-shabaab ay qarxiyaan. 3-In dadka Al-shabaab ay dilaan mag dhaw la siinayo. 4-dhameystirka wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. 5-Qaadida Dagaal ka dhan ah Al-shabaab. 6-Dhameystirka Dastuurka qabyada ah Ee Dalka. 7-Xiriir wanaagsan oo lala sameeyo Wadamada Dibbada. 8-La shaqeynta Maamul-Goboleedyada Dalka ka jira. 9- In uu dhamaystiri doono wada hadalladii dowladii hore la bilowday Somaliland wax alle wixii ay tabanayaanna si daacad ah ugala xaajoonayo. 10- Dalka oo laga bilaabo dib u heshiisiin. Qodobaadaas aan kor ku soo xusnay ayaa dhamaan waxaa ku fashilmay Maamulka Madaxweyne Farmaajo labadii sano Ee lasoo dhaafay. Farmaajo markii la doortay durba waxaa uu bilaabay la diriirk Maamul-goboleedyada,iyadoo xukuumaddii lagu eedeyay in xilkii ka tuureyn oo lacag badan ay ku bixiyeen sidii kursi looga qaadi lahaa madaxweynihii hore Ee Maamulka Hir-shabelle Cali Cabdulaahi Cosoble waana halka ay ka soo bilaabatay dagaalka Maamul-Goboleedyada iyo Maamulka Madaxweyne Farmaajo. Dowlada ayaa ku fashilmatay tayenta iyo xoojinta Sirdoonka Somaaliya, waxaana lakala diray 2000 oo askari islamarkaasina intii soo hartay la hoos geeye taliska booliiska Soomaaliya, iyadoona Ciidamadii la ruqseeye mid mid Al-shabaab ay ugu ugaarsadaan Magaalada Muqdisho. Fashilada kale iyo balanqaadyada aan laga dhabeen waxaa kamid ah inaad la wanaajin xiriirka dowlada iyo dalalka dibada,tusaalo dowlada waxaa ay abaalka walaalaheen imaraadka ay ka soo qaaday wax kadib markii har cad la yari iska baxa,waxaana taas sii raacda in dowlada ay dhacday lacag uu imaaradka carabta u waday ciidamada soomaalida ay u tababaraan. Sanadkii ugu horeye dowlada uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa weerartay guryo magaalada muqdisho ay ka tagan yihiin siyaasiyiin muhiim ah oo kala ah Cabdiraxmaan Cabdi shakuur warsame iyo Cabdi Xasan Cawaale qeybtiid oo ah senator xasaanad leh. Warsamo xumada iyo fashilada kale Ee jira waxaa kamid ah in Ciidamada dowlada qeybahooda kala duwan loo diido in ay Al-shabaab ka adkaadaan,tusaalo saandkii tagay 2018 ciidamada militeriga Soomaaliya waxaa labo jeer ay la wareegyn degaanka basro Ee Gobolka Shabellaha dhaxe laakin ciidamada dib ayeey isaga soo baxaa ileen waxu waa mashruuc. Sidoo kale harcad ayeey xukuumadda weerar toos ah waxaa ay ku qaaday golaha fulinta ama golaha shacabka,sidaasina waxaa ku baxay odaygii kaliye ee Soomaalida ku jiray Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,la diriirka Madaxweynihii koonfur galbeed Soomaaliya shariif Xasan Sheekh Aadan, xiridii wadaadka muqtaar roobow oo Maamulka Farmaajo ay ka cabsi qabeen in uu cadaadis ku saaro doorashada Koonfur galbeed Xilligaas ka dhaceysay waxaa la xiray,waxaa halkaas kaga muuqanaya in hoos u dhac uu ku imaanaya dhalinta Al-Shabaab kasoo baxeysa Ee dowlada Soo aadi lahaa Madaama Muqtaar roobow oo ahaa hoggaamiye weyn uu wali xiran yahay. Qodobada kale ee aan wali wax laga qaban oo mashruuca laga dhigay waxaa kamid ah in aan la dhameystirin Dastuurka Dalka. In har cad dalkii laga Eryey Wakiilkii QM Ee Soomaaliya Nichols Heysom oo dowlada weydiiyey waxa dadkooda ay u dilayaan oo ay u xirayaan. La dagaalanka Madaxda Maamul-goboleedyada Sida Madaxweynaha Gal-mudug oo khilaaf lagu soo furay. Madaxweynaha Hir-shabelle oo lagu qasbay in uu garab istaago maamulka Madaxweyne Farmaajo hadii kale mooshin laga keenayo Mid ugu dambeyso oo ah in wali qabyo ay tahay wadada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,iyadoona taas ay jirto ayaa hada Soomaliland waxaa loogu sii daray cunuqabteyn. Marka Su’aasha waxaa ay tahay Madaxweyne Farmaajo markan maka dhabeyn-doonaa cafiska, uu balan qaadey inuu wax badan qaban-doona labada sano ee u hartay. Si loo dhameystiro howlo badan oo dalkan ku hormari lahaa, oo qabyo ah ama aan laba bilaabin, kuwaas oo u baahan in looga gudbo midnimo, wada shaqeyn, tanaasul iyo odaynimmo.

Danjire Mahamed Caalim

Caalim68@hotmail.com

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com