Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay inay Gacanta ku hayaan Kiisas Musuq Maasuq ah

113

Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa muddo kadib soo hadal qaaday kiisaska la xiriira Musuq maasuqa oo dowladda hadda jirta ay masuuliyiin u xirtay.

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dad badan xabsiga u dhigtay kiisaska musuq maasuqa, islamarkaana hadda gacanta lagu hayo kiisas kale oo musuq maasuq ah.

Ma uusan sheegin shaqsiyaadka arrimahaan lagu hayo, balse wuxuu cadeeyay in hadda madaxda kala duwan ee xilalka haya ay ka feejigan yihiin kiisaska Musuq maasuqa, isaga oo sheegay in dalka uu la dagay Musuq maasuqa.

Hay’addo kala duwan ayuu cadeeyay in baaritaano lagu wado kuwaasi oo arrimaha musuqa la xiriira ay soo galeen, marka baaritaanada dhamaadaana ay soo qaban doonaan shaqsiyaadka la tuhmayo.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ciidamo ku dhawaad 200 gaaraya, kuwaasi oo dhawaan loo tababaray wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay inay la dagaalamaan musuq maasuqa wasaaradda iyo habka qaadista canshuuraha.

Dowladda hadda jirta ayaa xubno ka tirsan dekadda magaalada Muqdsho u xirtay kiisas musuq maasuq ku saabsanaa, waxaana qaarkood xukuntay maxkadda gobolka Banaadir