DHAGEYSO; Maxaa ku sookordhay Dilkii Nabadoon C/qani ee galkacyo faah faahin Guud

166

MAgaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa caawa Dablay Hubaysan ku dileen Nabadoon Cabdiqani Maxamed Baale oo ka mid ahaa Nabadoonada gobolka Mudug.

Marxuum C/qani Maxamed Baale goobta lagu dilay ayaa sidoo kale lagu dhaawacay wiil uu dhalay kaas oo la sheegay inuu ka agdhawaa xiliga la dilayey Nabadoonka.

Dablay Hubaysan ayaa Nabadoonka ku dilay Gurigiisa xili markaas yimid waxaana sidoo kale ay goobtaasi isaga carareen kadib markii uu dilku dhacay mana jirto cid kadaba tagtay oo ciidan halkaasi gaaray.

Wiilka dhawacmay ee uu dhalay Nabadoon cabdi qani ayaa isbitaalka lugu dabiibayaa waxayna dhaqaatiirta qaarkood iisheegeen in xaladiisa cafimaad ay sooroonaanayso

Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgallo ka wadda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana howlgalkaan lagu baadigoobaya Kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Nabaddoon si weyn looga yaqaanay gobolka Mudug.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Gaalkacyo qeybta Puntland.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo

Malmo kahor ciidamada amniga Puntland ayaa waqooyiga Galkacyo kuqabtay Hub lasheegay in loo waday xarakada alshabab ee kuna wajahnaa Degmada xarar dhere ee Gobalka mudug

Mamulka Puntland wali wax war ah kama soosarin Hubka ay gacanta kudhigeen

Ugu danbeyna magalada Galkacyo waqooyigeeda ayaa lafilayaa in aaas loogu sameeyo nabadoon cabdi qani ayadoo ay kaqeyb galidoonaan aaskiisa  muasuulyiin katirsan mamulka Puntland

Daljire.com Xafiiska Galkacyo

Caligaab34@gmail.com