Qaabka ansixinta Wasiiradda Puntland oo la meelmariyay

92

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u codeeyay in Wadar ahaan loo ansixiyo Wasiirada Cusub ee Madaxweyne Deni dhawaan soo Magacaabi doono.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa u codeeyay in si guud loo ansixiyo Golaha Wasiiradda, waxaana arintaasi ogolaaday 26 xildhibaan.

24 Xildhibaan waxay u ansixiyeen in mid mid loo ansixiyo Wasiirada.

3 Xildhibaana waa ka aamustay.

Sidaasi ayaa Baarlamaanku ku go’aansaday in wadar lagu ansixiyo Wasiirada cusub ee la sugayo.