DHAGEYSO. faah Faahin Weerar ka dhacay Degmada Galgodob ee G.Mudug iyo Dad shacab ah oo Toogtay

138

Daljire.com’Faah Faahin Magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa xalay dablay hubaysan waxay weerar ku qadeen Dad shacab ah oo xiligaasi fadhiyey Goob lagu shaaheeyo oo ku taal Bartamaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey Hal qof ayaa geeriyooday 4 kalana dhawac ayaa soo gaaray kadib Rasaas ay dablay hubaysan ku furtay dadkaasi oo fadhiyey Meherada.

Dablaydan oo la aqoon haybtooda ayaa isaga baxday goobtaasi kadib markii ay Rasaastaasi ku fureen dadka shacabka mana jirto cid loo qabtay falkaasi.

Warar Hoose oo Warbaahinta Daljire.com heshay ayaa sheegaya Weerarkaasi uu u ekaa Aargoosi Qabiilada kunool Degmada Galdogob.

Mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa degmadaasi waxaa kusoo badanayey Cabashada dhulka iyo khilaafka la xiriira Dhulal ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Masuuliyiinta degmada Galdogob wali wax war ah kama soosarin arintaasi

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com