Kudhawaad 10 qof oo ku dhintay Dab ka kacay Hindiya

113

Dabkan ayaa  qabsaday hotel ku yaala Magaaladda New Delhi  waxaana ku dhintay sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil katirsan  dowlada  ugu yaraan Sagaal qof oo uu ilmo yar ku jiro.

Dabku waxaa uu saacadihii hore ee Talaadada ka kacay Hottel Qasri ah oo ku yaala bartamaha Delhi.

Agaasimaha waaxda dab damiska oo lahadlay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in dabkaasi ay kudhinteen sagaal qof oo ay kujiraan haweeney iyo ilmo yar halka sidoo kalana u sheegay in ay ku dhawacmeen sadax qof..

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warisay in Cunuga iyo hooyadii ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay dabka ka baxsadaan iyagoo kasoo booday daaqad dhulkana kusoo dhacay.

Kooxda dab damiska ayaa soo badbaadiyay 35 qof oo halis ku jiray kadib howlgal qaatay saacado.