SAWIRRO: Miinooyinka Dhulka laga soo saaray iyo Magacyada Deegaano lagala wareegay Alshabaab

176

Ciidamada Dowladda Soomaaliya qeybta 43aad ee Xoogga dalka iyo saraakiisha Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay degaanno cusub kala wareegeen Al-shabaab. Ciidanka oo wada Miino ka sameysan.

Degaannada ay Ciidamada sheegeen in ay saaka qabsadeen waxaa ka mid ah Kooban,Araare,Muuse Xaaji iyo degaannada ku hareereysan.

Todobaadyadii la soo dhaafay degaannadaas waxaa ka dhacayay duqeyn iyo hoowlgallo gaar ah oo ay fulinayeen Ciidamada dowladda oo kaashana Taliska Mareykanka ee Afrika.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada sheegay in ay la wareegeen degaannadaas ayaa intaas raaciyay in ay sidoo kale waddada ka saareen 20 Miino, sidoo kalena qabsadeen Hub culus.

Howlgalka ayey sheegeen in shalay ilaa saaka uu ka socday degaannadaas islamarkaana dhinaca Jamaame ay u jaheysteen Ciidamada iskaashanaya ee doonaya in ay ALshabaab kala wareegaan degaannadaas.