AMISOM Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Cusub Oo Ay Ku Wajahayso Dagaalka Alshabaab

109

Ciiddanka Ururka Midowga Afrika ee ku sugan  gudaha dalka Somalia ayaa la filayaa inay qaar ka mid ah Saldhigyadda Hawlgalladda ee Aagga Hore albaabadda u laabi doonaan dabayaaqadda bishan Feberaayo, kadib, marka 1,000 Askari laga dhimo tirada Guud ee Ciiddanka AMISOM.

Taliyaha Cusub ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigabu Yilma Wondimhnegen ayaa sheegay inay diiradda saari doonaan Hawlgalladda weeraradda ee bar-tilmaameedyadda hadafka ah, si looga  maarmo  Hawlgalladda ay Ciidan

Tigabu Yilma Wondimhnegen  oo 2 toddobaad ka hor xilkaasi kala wareegay Jeneral Jiim Owesigyire waxa uu sheegay inay diiradda saari doonaan hawlgalladda Beegsiga ee wax loogu dhimayo Awoodda Dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana loogu diidayo inay si xor ah u fuliyaan Hawlgalladooda iyo dhaqdhaqaaqooda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka ciiddamadda Saaxiibadda iyo Fulinta Hawlaha ay u idman yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Qorshaha lagu dhimayo dhimista tirada Ciiddanka AMISOM ayaa ah Wejigii 3-aad, iyadoo Wejigii 1-aad iyo 2-aad la fuliyey bilihii December ee sannadihii 2017-ka iyo 2018-ka, iyadoo la fulinayo Amarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ee lagu dhimayey Tirada Ciiddankaasi oo haatan dhan 20,000 oo Askari.