Sawiro; Gudoomiyaha Barlamanka Dalka kenya Adan Barre ducaale oo CC Warsame Kutilmaamay Hogaamiye africa ay baahi Weyn uqabto

159

Daljire.com(Somalia)-Siyaasiga Ruug cadaagaah  CcC Warsame ayaa lakulmay Gudoomiyaha Barlamanka dalka keynya Adan Barre Ducaale

Kulanka oo ahaa casuumaad katimid adan barre waxa kuwehliyay CC Warsame Muuliyiin Katirsan Xisbiga Qarameedka Wadajir

Kulanka oo lugu gorfeeyay xalada Geeska africa iyo Gobalka afka somaliga looga hadlayo masuuliyiinta kaqeyb galay qaarkood waxay daljire.com usheegeen Gudoomiyaha Barlamanka kenya uu Bogaadin iyo Hanbalyo ujeediyay CC Warsame oo kutilmaamay masuul wax weyn kusoo kordhin karah isbadalka Geeska afriga iyo dunida islaamkaah

Siyaasiga CC Warsame ayaa war Kooban oo uu soosaray uga hadlay muhiimda kulanka Hoos ka Akhriso

Waxaan maanta xafiiskiisa igu marti geliyey hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta hannaanka dimoqoraadiyada, dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaliya. Waxaa kulanka igu wehliyey Xildhibaan Geele oo Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, Cweli Garyare oo ka mid ah Gudiga fulinta ee Xisbiga Wadajir iyo Cumar Aadan oo ah xiriiriyaha Xisbiga Jubillee ee Gobolka Wajir.

Daljire.com_Xafiiska Somalia

Caligaab34@gmail.com