Sawirro:-Ciidamo Loo Diyaariyay Amniga Muqdisho Oo Tababar Loo Soo Xiray

97

Maanta xarunta dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa tababar loogu soo xiray Ciidamo ka mid noqonaya Booliska Soomaaliya.

In ka badan 1,000 Askari oo ka tirsan ciidamada booliska,isla markaana dhowr bilood xeradaas tababar ku qaatay ayaa waxaa loo qabtay munaasabad tababar loogu soo xirayo Ciidamadaas.

Ku dhawaaw kun Askari ayaa Maanta tababar loogu soo xiray Xarunta Iskuul Bulusiyo,waxaana goobta tegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ,isaga oo salaan ka qaatay ciidanka tababarka loo soo xiray.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo saraak kale oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.