KASHIFAAD: Wasiir Caan ah oo xilkiisa ku weynaya Heshiiska Axmed Madoobe & DF

32

Iyadoo magaalada Kismaayo uu ka socdo wadahadal lagu dhammeynayo khilaafkii Madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxaa soo baxaya qodobo ku saabsan heshiis hoose oo dhex maray laabda dhinac.

Heshiiskan oo intiisa badan ay isla meel dhigeen Axmed Madoobe iyo ku-simaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa qodobadda ugu muhiimsan waxa ka mida in meesha laga saaro khilaafkii labada dhinac iyo in Axmed Madoobe ay dowladda Somalia ku taageerto in dib loogu doorto madaxweynaha Jubbaland.

Heshiiska Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Somalia ayaa saameyn ku yeelan doona wasiirada xubnaha beesha Axmed Madoobe ugu jira xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu xilkiisa waayo Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu wato xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo xilka wasiirnimo ee Beesha loo magacaabi doono marka isku shaandheynta lagu sameeyo Golaha Wasiirada, waxa kaloo wararku sheegayaan inuu xubin kale oo uu wato Axmed Madoobe loo magacaabi doono Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Heshiiska Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Somalia ayaa yimid markii culeys weyn ka yimid dowladda Kenya iyo xubnaha kasoo jeeda Waqooyi Bari Kenya oo si weyn ugu dhegan Axmed Madoobe, waxaana heshiiskan kasoo shaqeeyay Fahad Yaasiin oo shalay ku biiray wadahadalka Kismaayo uga socda Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Axmed Madoobe.

Doorashada Jubbaland ee dhici doonta bisha August 2019 ayaa heshiiska u yeeshay weji cusub, waxaana Axmed Madoobe uu dadaal ugu jiraa in musharaxiinta ugu cadcad ee ciriiriga gelin kara xilal looga magacaabo xukuumadda Soomaliya, sida Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig iyo xubno kale.