Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Suuq Xoolaha Lagu Iibiyo Gobolka Bay & Khasaaro Ka Dhashay

119

Qarax Xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Goof guduud Buureey Ee Gobolka Bay,iyadoo lasoo sheegayo in khasaaro uu ka dhashay.

Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka la eliyo waxaana lala eegtay Suuq Xoolaha Nool lagu iibiyo oo Deegaanka ku yaalla.

Dadka kusugnaa Markii uu qaraxa dhacayey waxay sheegeen in jug weyn mar keliya la maqlay waxaana gaaray daqiiqado kadib halkaasi ciidamada Dawlada.

1 Qof ayaa la sheegay inuu dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi,kuwaas oo Suuqa kusugnaa iyadoo dadka dhaawaca ah loola cararay Goobaha Caafimaadka.

Ma jirto cid sheegatay Qaraxaasi iyo cida lagu bartilmaameedsanayey intuba,Goof guduud buureey waxay ujirtaa 30KM Magaalada Baydhabo Ee Caasimada Kumeel gaarka ah Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.