Wararkii ugu dambeeyay Howlgal Dhalinyaro badan lagu soo qabtay

29

Ciidamada ammaanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa xalay sameeyay hawlgal ammaanka ay ku sugayaan sidoo kalena ay ku soo qabteen dhalinyaro badan.

Hawlgalkaan ayaa laga sameeyay dhamaan xaafadaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe oo Ciidamada mid mid ay u baarayeen.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Degmada Balcad ayaa Warbaahinta u sheegay dhalinyaro gaareysa 100 in lagu soo qabtay hawlgalka, kuwaasi oo lagu haayo Saldhiga Ciidamada Booliska Balcad.

Dhalinyaradaasi ayaa la sheegay in baaris lagu sameynaayo maanta, islamarkaana la sii dayn doono dadkii la aqoonsado.

Ammaanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa ah mid wanaagsan, inkastoo xilliyada qaar ay dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.