Wasiir Qambi oo Ka badbaaday Shil Baabuur

64

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Cabdirashiid Ducaalle Qambi ayaa ka badbaaday Shil gaari oo ka dhacay degaano ka mid ah Somaliland.

Wasiirka ayaa ka baxay Magaalada Hargeysa, waxaana uu kusii jeeday degaanka Balimataan ee Somaliland.

Saddex ruux oo la socotay Wasiirka ayaa sidoo kale Badqaba, waxaana jira dhaawacyo yaryar oo soo gaaray.

Gaariga uu saarnaa Wasiirka ayaa waxaa soo gaaray Burbur xooggan, waxaana goobta gaaray Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka Somaliland.