Wararkii u dambeeyey dil Caawa ka dhacay Magalada Muqdisho

134

Waxaa Caawa kooxo ku hubeysnaa bustoolad ay agagaarka Saldhiga degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nin la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku nool degmadaasi Kaaraan ee Magalada muqdisho.

Ninka oo Magaciisa lagu soo koobay Daashow ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugnaa meel u dhow shineemo Liibaan,waxaana Goobjoogayaalk sheegeen in dadkii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo goobta ka qaaday meydka qofka la dilay,iyaga oo sidoo kale ay sameeyey howlgallo baaritaano ah.

Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askar, dadka xiriirka la leh dowladda iyo Shacab intaba,waxaana mas’uuliyadda dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab