Carabeey oo sheegay in dowladda ku fashilantay xalinta khilaafka Galmudug

104

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka hadlay waxa keenay khilaafka hogaganka sare ee Dowlad goboleedka Galmudug kaas oo curyaamiyey Shaqooyinkii Mamulkaas.

Isaga oo Warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in xilligaan aysan jirin khilaaf xoogan oo sigaar ah isaga kala dhaxeeya Madaxweyne xaaf,hayeeshee la isku haayo 14 ka mid ah qodobada heshiiskii Jabuuti oo aan la fulin.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ku fashilantay xalinta khilaafka Galmudug ama Go’aan rasmi ah ay ka qaadato cida qaldan hoggaanka Maamulka Galmudug,hayeeshee ay weli wax socon la’yihiin.