Imaaraadka oo dib u bilaabaya Arrin uu Joojiyay oo saameysay Dhaqaalaha Somalia

84

Iyadoo Sanadihii danbe uu hakad ku jiray dhoofinta Xoolaha nool ee Soomaaliya ayaa war-murtiyeed arintaasi ku saabsan waxaa laga soo saaray Madaxtooyada maamul goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta kula kulmay mas’uuliyiinta  wasaaradda Ganacsiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in la isla meel dhigay in dib loo bilaabo dhoofinta Xoolaha nool ee deegaanada puntland.

Xoolaha Soomaaliya oo mudo dheer loo dhoofin jiray inta badan dalalka Carabta ayaa waxaa Sanadihii danbe joojiyay wadamo uu ugu horeeyo dalka Imaaraadka Carabta waxaana hada lagu balansanyahay in dib loo fasaxo.

Madaxwayne Dani oo ku sugan Imaaraadka ayaa madaxda dalkaasi kala hadlay hormarinta, dhismaha, qaabeynta iyo amniga deegaanada Puntland, sida ku cad war-murtiyeedka ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas