Sheekh Shaakir Oo Maanta Shaaciyey War Aad Loo Hadal Hayo(VIdeo)

247

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu maanta kormeer ku sameeyey Xafiisyada Hanti dhowrka iyo Xisaabiyaha Maamulkaasi.

Markii uu tegay Xafiis walbo waxa uu Sheekh Shaakir la shiray madaxda waxaana uu ka dhageystay warbixin kusaabsan qaabka ay ushaqeeyaan.

Xafiisyadaan oo ku yaalla Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Rasmiga Galmudug waxa lasoo bandhigay shaqooyinka ay labada Xafiis hayaan.

Intaas kadib markii kormeerka sameeyey ayaa waxa Saxaafada la hadlay madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir kana warbixiyey wixii kasoo baxay kulamadii uu la yeeshay Mas’uuliyiinta uu Xafiisyadooda kula kulmay.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ay ku dar daar wariyeen Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Galmudug inay la yimaadaan shaqo hufnaan iyo isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo Hay’adaha Maamulka.

“Waa in Isla xisaabtanka gaaraa heer qofka la weydiiyo Saacada gacanta ugu xiran uu cadeyn ukeeno inuu isaga leeyahay iyo meesha uu kasoo iibsaday,intaas ayaa Galmudug deeqda ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Wasiiro Galmudug katirsan ayaa ku wehlinayey Kormeerkaasi maanta uu sameeyey Madaxa Xukuumada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.