SAWIRO:-Madaxweynaha Soomaaliland oo booqday dad ku waxyeeloobay Roobkii xalay

81

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer ku tegay xalay goobo uu khasaaro hantiyadeed iyo mid nafeed uu xalay ka geystay roobka guga oo ka da’ay Magalada Hargeysa.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in Roobkgaas ay ku geeriyoodeen shan ruux, halka ay sagaal kalena ku dhaawacmeen,waxaana uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay kuna hanta belay roobkaas.

Waxa uu indha-indheyn ku tegay Goobaha uu roobka ka da’ay,waxaana uu sheegay in Xukuumaddu ay wax badna u qaban doonto ehelada dadkii ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay iyo kuwa hantidooda uu waxyeelo gaarsiiyey.