Banaanbax Gilgilay Magaalada Gaalkacyo & Dhaleecayn loo jeediyay Dowlada somalia

86

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Waxaa kadhacay Dabad bax Balaaran oo ay dhigayeen Ardada Galkacyo

Dad u badan Ardayda Dugsiyada sare ee Gaalkacyo ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada,kuwasi oo si weyn uga soo horjeeda Go’aankii Wasiir Goodax Barre uu ku joojiyay kuna baabi’iyay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee u socday 31,500 oo ardayn.

Boqolal kamid ah Ardada Galkacyo ayaa lug kudhaxmaray Gudaha Magalada Galkacyo

Shalay Magalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa banaanbaxyo xoogan ka dhigay Arday ka soo horjeeday Go’aankii habeen horey uu ku dhawaaqay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre,kaasi oo ahaa in gabi ahaanba la joojiyay lana baabiyay Imtixaankii Mideysnaa oo ay qaadesay dowladda,kadib markii qaar kamid ah Maadooyinka loo helay qaab qish ah.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa shaaciyay in imtixaanka dib loo geli doono 27-ka bishan May oo ay naga xigaan maalmo kooban.

Mamulada Kajirah somalia waxay cadaadis Xoogan kusaarayaan Wasarada waxbarashada Somalia walina lama oga sida wasaaradu ay umaarayn doonto Cashada ardayda somaliyeed ee dabadbaxayaasha kadhigaya Casimada Somalia & Gobalada

Caligaab34@gmail.com

Daljire.com