DEGDEG: Dad Ku Dhaawacmay Duqeyn Ay Xuutiyiinta La Beegsadeen Garoon Ku Yaalla Sacuudiga

67

akaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga xaqiijiyeen inay 26 qof ku dhaawacmeen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalkaasi.

 

Gantaalka ayaa la sheegay inuu ku dhacay qeybta loogu talagalay Rakaabka ka soo dega Garoonkaasi.

Isbahaysiga Sacuudiga waxay duqeyntaasi ku tilmaameen inuu yahay Dembi Dagaal iyo inay caddayn u tahay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta hub casri ah ka heleen Dowladda Iiraan.

 

Dhinaca kale, Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Afka Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxa uu saacadihii hore ee saakayto baahiyey inay Gantaal noociisa ahaa cruise missile la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Sacuudiga.