DFS oo ka hadashay Shirka ay Nairobi ku yeelanayaan Dowlad Goboleedyada

83

Todobadkaan waxaa aad loo hadal haayay shirka qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeelanayaan Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,kaas oo la filayay in uu shalay Furmo balse uu dib u dhacay,waxaana shirkaasi ka hadashay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya Cabdullaahi Goodax Barre o ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dhibneyso in Madaxda Dowlad goboleedyada ay ku shiraan dowlad xurguf Siyaasadeed ay kala dhaxeyso.

Isaga oo la hadlayay dad ku sugan degmada  Baardheere ayuu sheegay in Maamul Goboledyada aysan ka weyn Soomaaliya meel ay ku shiraan balse ay tahay arrin Siyaasadeed oo laga xumaado.

Horay ayaa Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Federaalka waxa ay ku shireen Magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, iyaga oo soo saaray Go’aano ka dhan ahaa Dowladda Soomaaliya.