DEG DEG:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

94

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Saddex rag ah oo loo heysto inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magalada Muqdisho Sanadkii 2017.

Weerarkaas ayaa Hotelka Naasa-Hablood 2 waxaa lagu qaaday 28kii Bishii Octoobar ee sanadkii 2017,waxaana Ragga saakay dilka toogashada lagu fuliyay lagu kala magacaabaa.

1 : Farxaan Maxamed Samatar

2 : Cabdi Naasir Dhaqane

3: Abshir Maxamed Xaaji.

30-kii Bishii May Sanadkii 2018 ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay xukun dil ah ku riday saddexda ragga ah ee loo heystay weerarkii Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn Maanta dil toogasho lagu fuliyay