Dhageyso: Col Aadan Barre oo Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu afduubtay doorashada

242

Col. Aadan Cabdi Barre oo ka mid ah saraakiisha iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Jubbaland ayaa eedeymo culus u soo jeediyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wuxuu sheegay in Madoobe uu afduubtay doorashadii maamulkaasi, islamarkaana uu sameystay xildhibaanno been abuur ah oo ay soo xuleen odayaal dhaqameed aan sax ahayn oo ah kuwa gacan ku rimis ah sida uu hadalka u dhigay.

Aqoonyahan Col. Aadan Barre ayaa hoosta ka xariiqay in Axmed Madoobe ay gadaal ka riixayaan ciidanka Kenya.

Halkaan hoose ka dhageyso: