Dhageyso: Wasiiru dowlaha kalluumeysiga Hirshabelle oo sheegay in DF ay faragalinayso doorashada Jubbaland

340

Wasiiru dowladaha wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame ayaa bogaadiyay howlaha doorasho ee ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Axmed Madoobe uu yahay madaxweynaha ku haboon talada Jubbaland, islamarkaana dowladda federalka ay ka deyso faragelinta ay ku heyso.

Wuxuu xukuumadda federaalka ku eedeeyay xildhibaanka ka tirsan Hirshabeelle ahna wasiir maamulkaasi ka tirsan in ay qalqal ku heyso dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiir Cabdirashiid Warsame ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda dowladda Soomaaliya ay u suxul duubanayaan in ay ku guuleystaan doorashada 2021-ka.

“Maahan in ay ka fakaraan sidii ay xukunka ku soo laaban lahaayeen, oo qalalaase laga dhex abuuro beelo Soomaaliyeed oo isjecel, waxaan oagahay in ay isdoonayaan oo ay israbaan Gedo, Afmadoow iyo Dhoobleey dadka deggan” ayuu yiri mudane Warsame

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGIISA;