Deg deg Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda Oo Isku Dhac Ku Dhexmaray Dhuusamareeb iyo khasaare kadhashay

56

Hal Askari Ayaa Dhaawacmay Kadib Markii Waabar Kii Hore Ee Saakay ay is Rasaaseyn koobani Dhexmartay
Ciidamada Milateriga Qeeyb tooda Danab Ee Kusugan Degmada Dhuusamareeb Ee Caasimada Galmudug .

Waxaana Askarigii Dhaawaca Ahaa La Dhigay Isbitaalka Guud Ee Dhuusamareeb Sida Hoowl Wadeenada Caafimaadka Ay u Xaqiijiyeen Knn

Inkastoo Is rasaaseynta Dhexmartay Ciidamada Ay Socotay Muddo Kooban Haddana Isku Dhaca Ciidamada Ayaa Sida Wararku Sheegayaan Yimid Kagadaal Markii Muran Uu Dhexmaray Qaar Kamid Ah Ciidamada Oo Sida La Sheegay isticmaalayay Waxyaabaha Maanka Dooriya

Dhinaca Kale Hoowlgal ay Ciidamada Nabad Sugid Qeeyb Tooda Galmudug Ay Ka sameeyeen Xalay Dhuusamareeb Ayeey Gacanta Ku Dhigeen Daraasiin Dhalooyin khamri ah Iyo Ruux Lasheegay Inuu Ahaa milkiilihii Kaganac sanayay maandooriyaha Khamriga Ah.

Masuuliyiinta Maaamulka Degmada Dhuusamareeb Iyo Saraakiisha Laaamaha Amniga Degmada Majiraan wax war ah Oo ay Kasoo saareen Isku Dhicii Dhexmaray Ciidamada Iyo hoowlgalkii Kadhacay Dhuusamareeb.

Tan Iyo Wixii Ka Dambeeyay Markii Gacan Ku Heeynta Degmada Dhuusamareeb Laga Wareejiyay Ahlusunna Islamarkaana mas,uuliyadda Amni Ay la Wareegeen Qeeybaha Ciidamada Dowladda Ayaa Dadka Reer Dhuusamareeb Waxa Ay Qabaaan Inuu Is Badal Kuyimid Degmada Dhuusamareeb Ayna Soo Kordheen isticmaalka Maandooriyaha