Kenya oo ku dhaliishay Mareykanka in uu ka diiday dalab ka dhan ah AlShabaab

49

Dowladda Kenya ayaa dhaleeceyn culus waxay kala dul-dhacday Mareykanka. Afhayeenka baarlamaanka wadankaas Justine Muturi ayaa sheegay in Washington ay ka diiday dalab ka dhan ahaa AlShabaab.

Codsigaas ayaa wuxuu ku saabsan yahay in Al-Shabaab uu u aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah. Waxa uu sheegay in ay mar kale ka codsanayaa arrintaasi oo uu xusay in ay muhiimad ugu fadhiso.

Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadda oo dhowaan xukuumadda Nairobi ay waji gabax kala kulantay qaraar ay ka geysay AlShabaab oo ku aadan lagu darro liiska argagixisadda dunida.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraarkaas uu yahay mid lagu xalaaleysanayo daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed, maadaama Kenya ay duqeymo culus ka fuliso gobolada Jubooyinka.

Kenya ayaa u muuqaneysa in ay bilowday olale cusub oo ku aadan in ay mid mid uga codsato wadamada ka diiday qaraarkaas in ay AlShabaab u aqoonsadaan argagixiso caalami ah.