Home Blog

Madaxweyne Saciid Deni Oo Baaq U Diray Shacabka Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay Martiqaad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo weftigiisa

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd Aas-aasayaashii Puntland ayaa martiqaadkan samaysay, waxaana ay Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa u guud martay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Puntland ay soo martay, waxay bogaadisay doorka saliim ka ah ee  Xukuumadda siineyso horumarinta dalka.

Madaxweynaha  Puntland ayaa mahad balaadhan u jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye oo weftiga Madaxweynaha ku maamuustay Afur iyo Casho sharaf

“Waxaan u mahadnaqayaa Caasho Geelle oo gurigeeda Caawa ani iyo Waftigayga nagu marti qaaday cunto aad u macaan iyo jawi qurux badan aad ayaad ugu mahad santahay martiqaadkaaga aadka u wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in dowladda Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada, sidii ay horeba usiisay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Mudug ugu baaqay inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,, mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka

Maxay ka wada hadleen CC Warsame iyo masuuliyiinta Somaliland ee Nairobi ku kulmay?

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan Dowlada Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi.

Kulankaasi oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay arimo dhowr ah.

Waxaa kulanka kasoo muuqday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Kulankaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiinta ka socotay dhanka Dowlada Somaliland ayaa si cad u sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen dhanka dowladda Soomaaliya inay wax walbaa ka socon la’yihiin.

Ma jirin wax wadahadal ah oo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland muddo ka badan labo sano, waxaana muuqata inuusan isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya Nairobi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya dhinaca kala duwan ee Somaliland oo arrimo dhowr ah isku haya, gaar ahaan xisbiyada kala duwan ee Somaliland.

Guddi ka shaqeynaya sugida Amniga doorashooyinka Jubbaland oo la magacaabay

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay guddi hoosaad ka shaqeynaya howlaha sugida amniga guud iyo goobaha Doorashooyinka dhowaan ka dhici doonaan.

Guddiggaan ayaa waxaa magacaabay Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland.

Daily Nation oo shaaciyey tallaabooyinka ka dhan ah DF ee ay qorsheysay Kenya

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray “in dowladda Kenya ay awooddeeda diblomaasiyadeed u adeegsaneyso Soomaaliya” oo ay ku eedeysay inay “ku xadgudubtay biyaheeda.”

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray dhowr tallaabo oo ay qorsheysay dowladda Kenya inay qaado, si ay cadaadis xooggan u saarto xukuumadda Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1 – Joojinta mudnaanta gaarka ah ee ay siin jirtay mas’uuliyiinta Soomaaliya, sida Visa-ha loogu dhufan jiray baasaboorka marka ay kasoo degaan garoonka Jomo Kenyatta.

2 – Billaabista tallaabooyin iyo xanibaado adag oo la saarayo diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya, sida inay soo maraan magaalada Wajeer.

3 – La macaamilka iyo soo dhoweynta dowladaha federaalka ah ee khilaafka uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale maamulka Somaliland.

4 – Kasoo saarista ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya goobaha ay horey uga qabsadeen kooxda Al-Shabaab, si Shabaabka ay dib ula wareegaan, taasi oo cadaadiska gudaha kusii kordhineysa dowladda federaalka.

5 – Hakinta qaar ka mid ah heshiisyadii ay labada dowladood horey u kala saxiixdeen, inkasta oo aan la shaacin waxa ay yihiin.

Wrageyska ayaa sidoo kale qoray inay jiri karaan tallaabooyin kale oo intan ka baxsan oo dowladda Kenya ay qaaddo, si ay cadaadiska ugu kordhiso dowladda Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay in ujeedada Kenya ay tahay inay ku qasabto Soomaaliya inay ka laabato dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ku saabsan badda Soomaaliya, islamarkaana taa beddelkeed ay wada-hadal la furto.

Kenya ayaa habeenkii Isniinti waxay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo u socday shir ka dhici lahaa Nairobi ku qasabtay inay qarakood baryaan garoonka, kadib markii ay u diiday Visa-hii ay garoonka ka qaadan jireen.

XOG: CULUS Farmaajo oo R/wasaaraha Itoobiya u diray Dacwad kadhan ah Madaxweynaha Kenya

Warar hoose oo ay heleyso Daljire.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Warqad u diray Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiye Abiy Axmed.

Warqadan ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu faahfaahiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Dowlada kenya ay cadaadiska ku saartay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u gudbiyay Abi Axmed Walaac uu ka qabo Heshiisyo hore u dhex maray isaga iyo Uhuru Kenyatta oo ay ka baxday Dowlada Kenya, iyadoo taas ay abuuri karto Xiisada u dhaxeysa labada Dal oo meeshi ugu xumeyd gaarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u cadeeyay Ra’iisul wasaaraha Mowqifkiisa ku aadan talaabooyinka xumeynaya cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo Maamulka Uhuru ay qaadeen, wuxuuna u sheegay in Wada hadal ay diyaar u yihiin iyo in labada Dal ay Iskaashi iyo Xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah ku noolaadaan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inuu Madaxweynaha Soomaaliya kaga soo jawaabo Fariintan, iyadoo markii ay Kenya u wacday Safiirkeeda oo ay joojisay Xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu sidan oo kale Madaxweyne Farmaajo Warqad ugu qoray Abiy oo arrinta wada hadal ku dhameeyay.

Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa doonaya in Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadlaan Muranka badda ee u dhaxeeya Labada Dal hadii aysan sidaas dhicin in Xiriirka Labada Dal uusan dhinac u dhaceyn inta Maxkamada ICJ ay kasoo saareyso Go’aanka laga sugayo

Talaabadaan ayaa umuuuqata Xal Siyaasadeed oo xukuumda Farmaajo ay karaadinayso Dowlada Kenya

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com

Dowladda oo ka hadashay qaraxa Maanta ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyey Qarax Maanta ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadkii, iyagoo ALLE dartii u Sooman ku waxyeeloobay Qarax laga soo buuxiyey gaari ayna ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacba, waxa uu EEBBE uga baryey dadkii ku dhintay iyagoo Sooman dhammaantood in ALLE uu siiyo Jannadiisa, kuwa ku dhaawacmayna uu uga booga dhayo.

Wasiirka Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyada  ka dhacaya Magalada Muqdisho bishaan Naxariista iyo Cibaadada ee Ramadaan, waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba-jibaan gacan siinta ciidammada Qalabka sida ee dagaalka adag lagu jira Al-shabaab, waxa uu rajo weyn ka muujiyey in dhowaan la soo afjari doono jiritaan Al-shabaab.

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com

Al Shabaab oo shaaciyay Dadka ay la eegteen qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ka dhacay bar Kontarool oo ku taala Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyootay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga oo lagu magacaabo Faadumo Cali Raage iyo askar la socotay, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qaraxa ayaa sheegay in ruux Naftii halige ah uu ka dambeeyay qaraxa, kaasi oo kaxeynayay gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la eegteen saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xiligaasina waxay joogeen goob lagu baaro gaadiidka doonaya inuu maro wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil, xildhibaanno iyo madax katirsan Dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaara cadowga”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al Shabaab.

Dhacdada Xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxii maanta ayaa ahaa in gaariga Cabdi Bille ee ay la socotay Faadumo (Faay Cali) uu ka badbaaday kaliya askariga Kaarka Aqoonsiga u geynayay ciidamada ku sugnaa barta Kontaroolka.

Qaraxa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda saacadihii ugu dambeeyay ay adkeynayeen amaanka waddoyinka magaalada Muqdisho

Daljire.com

caligaab34@gmail.com

Madaxweynihii hore ee Puntland oo tallooyin siiyay madaxweynaha cusub ee Puntland

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland waxaa khdubado la siiyay masuuliyiin kale oo ku sugan goobta ku sugan. Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha cusub...

Sawirro;-Galkayo, 17 Dec 2018, Validation of Customary law for Galkayo joint Peace initiative

With the support of HD (The Centre for Humanitarian Dialogue), the Galkayo Joint peace committee has today held a meeting for many Galkayo residents...

Cilmi baaris laga sameeyay dadka sida joogtada ah u gala sawirrada kadibna soo dhigo...

Wargeyska DailyMail ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warbixin uu ka qoray cilmibaaris ay Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka ka sameysay dadka sida joogtada...

SAWIRO:- Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed Oo Martigalisey Shir Muhiim ah.

Wasaarada Beeraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Magaalada Baydhabo Kuqabatey Shir Muhiim ah oo Kusaabsan Arimaha Beeraha. Shirkan Ayaa Waxaa Diirada Lagu saarayey Horumarinta Beeraha...

(SAWIRO) Dhaliyarada Baydhabo Oo Caawa Ciyaaradat Kadawaranayaan Hoelada

Caawa oo ah habeenkii ugu dambesay kulanka Finalaha World cup oo ay ciyarayaan  labada xul France iyo Croatia ayaa dhalinyarada magalada baydhabo waxey ciyaarta...

Jubbaland oo maanta Xukun dil toogasho ah ku riday Askari horay Xaaskiisa u dilay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta ay xukun dil toogasho ah ku riday Cabdullaahi Aasad oo ka tirsanaa Ciidamada...

Khatarta dagaal ganacsi kaga dhex qarxi karto Maraykanka iyo Shiinaha oo sii kordhaysa

Khatarta ah in dagaal ganacsi ka dhex qarxo Maraykanka iyo Shiinaha ayaa sii korodhay maadaama Madaxweyne Trump soo bandhigay qorsheyaal cashuur cusub oo qiimaheedu...