Mooshinka Madaxeyne Farmaajo oo bilawday

424

Kulamo looga arrinsanayo sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ka bilawday.

In ka badan 30 xildhibaan iyo Senators ayaa shalay kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda uu dalku marayo dhinaca Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Xiriirka Debeda ayaa hoosta laga wada xarriiqay, in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay hoggaanka Dalka, kuna tuntay Dastuurka Dalka, masuuliyaddii loo igmadayna gacanta u geliyey koox dhallinyaro ah oo Alshabaab gacan saar la leh.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo la kulmay xubnaha labada Gole uga jira deegaankooda ayaa u cadeeyey in ay quus ka taagan yihiin hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay in Dalka ay hoggaamiyaan dad qarsoon oo daaha gadaashiis go’aanada ka soo gaara.

Quustan ayaa timid kadib markii Axmad Madoobe iyo C/Weli Gaas si hoose ula hadleen Farmaajo iyaga oo siiyey digniintii ugu danbaysay. Labada masuul oo ay hawshaas u wakiisheen Madaxweynayaasha kale maadaama ay Farmaajo isku hayb yihiin ayaa quus iyo deyro ka keenay kulankii ay Farmaajo la qateen.

Madaxweynayaasha ayaaa hoosta ka xarriiqay in Farmaajo xilka laga qaado inta uusan Dalka gacanta Alshabaab u gelin. Kulamada Xildhibaanada ayaa dib loogu balamay iyadoo ay ku soo biiri doonaan siyaasiyiin waawayn oo horay xilal Dalka uga soo qabtay.