SAWIRO:- Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed Oo Martigalisey Shir Muhiim ah.

742

Wasaarada Beeraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Magaalada Baydhabo Kuqabatey Shir Muhiim ah oo Kusaabsan Arimaha Beeraha.

Shirkan Ayaa Waxaa Diirada Lagu saarayey Horumarinta Beeraha Iyo Mideynta Iskaashatada Beeraleyda Deegaanada Koonfur Galbeed Iyo Arimaha Kale Ee ala xiriira Beeraha.

Shirkan Oo Uu Shir Gudoominayey Wasiirka beeraha Iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mohamed Xasan Fiqi Ayaa Waxaa Kasoo Qeybgaley Hay’adaha Kashaqeeya Arimaha Beeraha Oo ay Ugu Horeysey Hay’ada Beeraha Aduunka Ee FAO.

Wasiirka Beeraha Koonfur Galbeed Mohamed Hasan Fiqi ayaa Xaflad Qurux badan Kusoo Bandhigey Wax Qabadka Wasaarada Mudada Ay Jirto,Wax Qabadka Muuqda Ee Isbedelka Dhinaca Arimaha Beeraha Iyo Waraabka ayuu Kahadley Wuxuna sheegey In Wasaaradu ay Wax badan Qabate Mudada ay Jirto.

Sidoo Kale Madaxa Hay’ada FOA Lakisha Man Oo Kaqeyb Galey Xaflada Wasaarda Beeraha Koonfur Galbeed Ayaa Si aad ah Ugu Amaaney Isbedelka ay Sameysey Wasaarada,Wuxuu Xusey In Koonfur Galbeed soomaaliya ay Kamid Tahay Meelaha Sida aadka ah Hay’ada FAO ay Ugu bixisey Dadaaalada Horumarineed.

Xaflada ayaa Mudadii ay Socotey Waxaa Lagusoo bandhigey Suugaan Katarjumeysey Waxqabadka Wasaarada Beeraha Koonfur Galbeed Soomaaliya,Waxaana Kaqeybgaley Masuuliyiin Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

W/Q ABDINASIR MUSHARAF

S/Q Salah Qeys

HALKAN KADAAWO SAWIRADA.