Al Shabaab Oo War Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Qaraxii Maanta Lagu Dilay Taliye sare oo katirsan Dowlada somalia

215

(Daljire.com)Ururka Al Shabaab ayaa waxay kasoo saareen warbixin Qaraxii Maanta duhurnimadii ka dhacay Deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxaasi waxa uu ahaa miinada dhulka la geliyo kaas oo lala Eegtay Saraakiil Katirsan Ciidanka Dawlada Soomaaliya,iyadoo Askar badan ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Abaan duulaha Ciidanka Guutada 12 April Gaashaale Sare C/salaam Aadan Gurjow ayaa ku dhintay Weerarkaasi Qarax iyadoo Saraakiil kale & Askar la socotay ay la dhinteen.

Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen guutada Qaraxyada qaabilsan ayna qasadkii ay ka lahaayeen ku guuleysteen.

Shabaab ayaa laba jibaaray weerarada Qaraxayada ah ay ka fuliyaan wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho ilaa Magaalada Marka Cadeey Ee Gobolka Sh/Hoos

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com