Madaxweynaha HirShabelle Oo Afka furtay Soona Bandhigay Siriq Culus Oo Loo Maleegay Maamulkiisa

147

Madaxweynaha HirShabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu eedeyn ujeediyey Hogaanka Midowga Africa iyo Taliska Ciidanka AMISOM taas oo aan wax talo ah maamulkooda ka siin ka bixida Ciidanka Burundeeska ah Deegaanada qaar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in Arimo siyaasadeed oo dhacay awgeed ay sabab ka dhigtay in kun askari Ciidankaas ka mid ah laga saaro Deegaanada ay ka joogeen Gobolka Sh/dhexe isagoo Waare sheegay in laga fiicnaa go’aankaasi Midowga Africa keligood gaareen.

Sidoo kale Madaxweyne Waare waxa uu soo jeediyey in loo baahan yahay Cashar in laga barto ka bixitaanka AMISOM Gudaha Soomaaliyana ay muhiim tahay Amnigeeda inay Ciidanka Soomaaliyeed la wareegaan.

Waare oo si gaar ah kaga hadlayey Kunka Askari Ee Burundeeska laga saarayo Deegaanadiisa waxa uu sheegay inay Ka hortegayaan dul duleelo amni oo yimaada oo ay ka feejigan yihiin isbadelkaasi dhacaya inay buuxiyaana udiyaar garoobayaan.

Taliska ugu weyn Ciidanka Burundeeska Ee Soomaaliya ayaa waxay ku leeyihiin Jowhar waxaana dhowr mar ay ciidankaasi jooga Sh/Dhexe deegaanadeeda kula kulmeen Arbushaad askar iyo Sahay Meliteri ay ku waayeen.