Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabaya Golihiisa Wasiirada

130

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa aad looga dareemayaa ol olaha loogu jiro Magacaabista Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad ugu mashquulsan sidii uu kusoo Magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada,waxaana Xafiiskiisa ka jiray mashquul badan in kastoo uu mamnuucay in lasoo booqdo.

Dad badan ayaa u xusul duubaya inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada uu Magacaabi doono,waxaana jira siyaasiyiin dhalinyaro u badan oo aad loogu amaanayo Baraha Bulshada,kuwaas oo doonaya inay Wasiirada ka mid noqdaan.

Amniga Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana dad badan ay wada sugayaan Golaha Wasiirada ee uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono.