Taliye Bashiir Goobe Oo Soomaalida Arin Aysan Ogeyn Maanta Usoo Bandhigay & Dad Hadal Haya

192

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in goor dhow laga hir-gelin doono Soomaaliya Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayuu ku tilmaamay mid ka mid ah Tiirarka ugu muhiimsan Caddaaladda, wuxuuna intaa ku daray in ayagoo fulinaya ammarkii Madaxweynaha Dalka, in ay wadaan dib u habeyn lagu sameynayo dhammaan Xabsiyada Dalka.

Wuxuu sheegay in xabsiyadu ay noqon doonaan kuwo wax lagu carbiyo, waxna laga soo saaro, Dadka lagu dhaqan celiyo, waxna lagu baro, isagoo ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu furi doono Xabsiga Afrika ugu casrisanaa.

Jeneraal; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa hadalkan ka sheegay  shir Sanadeedka Garsoorka Dalka kaas oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.