Booliska Britain oo sameeyay howlgal dad lagu soo xir-xiray

138

Booliska Britain gaar ahaan kuwooda aadka u tababaran ayaa la geeyay goob Busteejo ah oo Tareenada dhulka hoostiisa mara laga raaco, ka dib markii qof dhibane ah oo la dhacay uu Boolisku ku wargeliyay in nin aad u hubeysan uu dhacay.

Boolsiak ayaa baaritaan ay ku baadi goobayaan ka sameeyay Bosteejada Bond Street, waxa ayna hakad geliyeen oo ay xireen dhamaan isku socodka Tareenada Bosteejadaasi ka howgala, Waxaana Boolisku shacabka u sheegeen in ay raadsaan Bosteejooyin kale oo ay gaadiidka dadweynaha ka raacaan.

Bosteejada Bond Sreet waxa ay ka mid tahay Bosteejooyinka Tariinada dhulka hoostiisa mara  ee ugu mashquulka badan Magaalada Caasimada u ah Britain ee London, waxa ayna saameyn xoogan ku yeelatay xirnaashaheeda kumanaan dadweynaha ku dhaqan London.

Baaritaanada ay sameeyeen Booliska oo aad u hubeysnaa ayey kusoo qab qabteyn ilaa shan qof oo ay sheegeen in ay ka shakiyeen maadama ay wateen Midiyo, hasae ahaatee weli maysan u suurta gelin inay gacanta kusoo dhigaan ninkii aadka u hueysnaa ee dhaca geystay.

Sarkaal u hadlay Booliska Metropolitikanka London ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay dhacdadaan waxa uuna carabka ku adkeeyay in ugu dambeyn gacanta ay kusoo dhigi doonaan ninkaan dhaca geystay oo ay Kaamerooyinka sida qarsoodiga wax u duuba ee Bustejada ay dib u daawan doonaan.

“Falkaani wuu ka miisaan culusyahay kaliya dhac, mana ahan in aan ugu yeerno dhac e waa in aan ugu yeerno halis amniyadeed, waana ku daba jirnaa ninkaasi hubeysan” ayuu sheegay sarkaalka u hadlay Booliska Britain.

Saacado dabadeedna waxaa la furay Busteejada Bond Sreet, inkastoo dad badan uu saameeyay xirnaashaha Busteejada.

Source: Dailymail.