BREAKING NEWS-Nabadoon Caan oo Lagu Toogtay Magaalada Galkacyo

161

Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa caawa lagu diley mid kamid ah nabadoonada ugu caansan magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Nabadoon Cabdiqani Cali oo ku sugnaa afaafta hore ee gurigiisa ayaa waxaa la sheegay in kooxo hubaysani ay dhaawac gaarsiiyeen isagoona ugu dambayn ku geeriyoodey goobtii caafimaadka ee loo qaaday.

Lama oga cidda ka dambaysa dilka nabadoonkaasi iyo sababta keentay in ladilo, wuxuuna dilkiisu ku soo aadayaa xilli ay soo hagaagaysay xaaladda ammaan ee magaalada Galkacyo.

laamaha amniga wali wax war ah kama soosarin dilka kadhacay waqooyiga Galkacyo

Daljire,com

Caligaab34@gmail.com