Gacan Ku dhiigle Dil Geystay Oo Xilka Qaadis Lagu Sameeyey Maamulka HirShabelle & Madaxweyne Waare Oo…

145

Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare Ayaa waxa uu xilka qaadis ku sameeyey Maareeyihii Buubaay dageenka Jowhar Ibraahim Maxamed Cali.

Xilka qaadistani waxaa la war geliyey Wasaarada Cirka iyo Dhulka Mas’uuliyiinteeda,Madaxda Kala duwan Ee Heer gobol iyo heer degmo,Taliska Ciidamada iyo Laamaha Amniga HirShabelle.

Ibraahim waxa uu dhawaan Jowhar ku dilay Xaaskiisa,waxaana uu ahaa Gacan ku dhiigle Cadaalada in la hor geeyo la sugayey.

Mas’uulka lagu badelay waxaa lagu magacaabaa Mukhtaar Raabit oo xilkaas cusub loo magacaabay,kaas oo laga sugayo inuu kasoo dhalaalo shaqada adag ee hortaalla.

Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaa ah meel aan dhisneyn marka laga reebo labo qol oo aan dayactir badan xitaa helin in adeegyadii Garoomada iyo ilkaaniyaat-kii uu lahaa helo iska daaye.

Xilli Jowhar ay tahay Caasimada Maamul Gobolleedka HirShabelle.