Xoghayaha Guud Ee QM Oo Ku Ammaanay Dalalka Afrika Xalka Nabadeed Ee Laga Gaaro Colaadaha

158

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu hadalkaasi sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku yaalla caasimadad dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Waxa uu tilmaamay in Qaaradda Afrika noqotay Tusaalaha in si nabad leh lagu xaliyo mushaakilka iyo coladaha hubeysan.

“Waxaan rumeysanahay inay Afrika tusaale u noqonayso halka ay suurtogalka tahay in lagu xaliyo dhibaatooyinka, loogan hortago Colaadaha” ayuu yiri Antonio Guterres

Waxa uu intaasi ku daray inay soo arkeen Dib-u-heshiisiintii dhex martay dowladaha Ethiopia iyi Eritrea iyo heshiiska Nabadda ee laga hirgeliyey dalka Koonfurta Suudaan.

Dagaalka Ethiopia iyo Eritrea dhex maray sannadihii 1998-dii ilaa 2000 waxaa lagu dilay dad lagu qiyaasay 70,000 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa  uu maalmihi ila soo dhaafay ku sugnaa magaalladda Addis Abeba, halkaasi oo uu u u joogay si uu uga qeyb galo  Shir-madaxeedka 32-aad ee Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka AU-da oo maanta si rasmi ahaan uga furmaya Hoolka Shirka ee Ururka AU-da.