Sawiro; Madaxweyna Galmudug oo Shir Gudoomiyay Kulan Dhax maray Galmudug iyo Puntland iyo Arimo xasaasiya oo lasoo (hadalqaaday)

125

(Daljire.com)-Kulankaan oo uu shir Gudoominayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf isla markaana ay ka qeyb galeen Madaxda Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, xubnaha Guddiga Nabad galyada Gobalka Mudug ee labada Maamul ayaa maanta ka dhacay xaruntii hore ee Madaxtooyada Galmudug ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlayay xoojinta Amniga Gobalka iyo wada shaqeynta Maamulada iyo laamaha Amniga labada Dowlad Goboleed.

Guddoomiyeyaasha Gobalka Mudug ee labada Dowlad Gobaleed Cabdiqaadir Xuseen Nuur iyo Cabdirashiid Xaashi Cartan oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka la isku afgartay sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada Gobolka, isla markaana looga hortagi lahaa cidkasta oo ka shaqeyneysa amni darro.

Guddoomiyaha Guddiga Nabad galyada Gobalka Mudug Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Gobalka in ay la shaqeeyaan guddiga Nabad galyada iyo laamaha amniga dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.

Kulankaan ayaa kusoo beegmayaa xilli maalmihii u danbeeyay shaqaaqooyin yar yar ay ka dhaceen deegaannada Gobalka Mudug qaarkood kuwaas lagu guuleeystay in xal laga gaaro

Daljire.com Xafiiska Galmudug

Caligaab34@gmail.com