Idaacadaha Shabaab Oo Xog Lama Filaan Ah Ka Baahisey Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

346

Ururka Al Shabaab ayaa idaacadooda waxaa laga baahiyey Xog ku saabsan Qaraxyo Siyaabo kala duwan maanta uga dhacay Muqdisho.

Qaraxyadaasi waxaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo Khasaaro kala duwan geystay islamakraana ay mas’uuliyada Shabaabku dhabarka uriteen inay ka dambeeyeen.

Idaacada Andalus ayaa baahisey in AMISOM gaadiid ay wateen lagu weeraray meel ku dhaw 9 Qol Ee Ex Control Balcad Mar kalena lagu qarxiyey daqiiqo yar kadib Isla Warshada Baastada Agteeda.

Sidoo kale waxay al shabaab sheegteen in iyagu ka dambeeyeen Qarax ka dhacay Laami yaraha Soobe Ee Degmada Hodan.

Qaraxaas ayey Shabaab Sheegteen in lagu beegsaday Gaari uu lahaa Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Islamarkaana lagu dilay Darawalkii Xildhibaankaasi.

Qaraxyada Ka dhaca Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo inta badan ay Shabaabka Sheegtaan Mas’uuliyada weeraradaasi oo Khasaaro nafeed iyo mid Maalba geysta.