Maxay Ka Tiri Somaliland Socdaalka Wasiirro Hore Ee Muqdisho?

174

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, oo kamid ah gollaha guurtida ee Somaliland ayaa sheegay in ay soo saarayaan sharci xakameeya dadka xilalka ka qabta Somaliland in aynaan u safrin Xamar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Arrinta xildhibaan Khadar Sahal ayaa imaanaysa iyadoo seddex wasiir oo kamid ahaa Xukuumaddii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ay iminka ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kuwaasoo kale ah:

  1. Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Daahir
  2. Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda cadaaladda Somaliland Khadar Axmed Diiriye
  3. Iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Axmed Keyse

Hadalka xildhibaan Khadar Xuseen Sahal ayaa imaanaya iyadoo illaa iminka wax war ah aysan ka soo saarin masuuliyiintani socdaalkooda ay ku soo gaareen magaaladani Muqdisho.

Daljire.com-Xafiiska Hargeysa

Caligaab34@gmail.com