XOG: CULUS; Farmaajo iyo Kheyre oo Kulan Saacado badan qaatay ka yeeshay Isku Shaandheynta Wasiiradda

252

Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada Daljire.com ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay kulan gaar ah xalay ka yeesheen isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka si weyn loogu falanqeeyay tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah Beelaha waa weyn oo dacwad u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo saluugsan qorshaha uu wado Ra’isiul wasaare Kheyre.

Ujeedada Xilal ka qaadistan ayaa lagu sheegay in Madaxda dalka ay kaga go’leeyihiin inay isbedelo badan ku sameeyaan qaar ka mid ah Wasaaraddaha oo hormaro la taaban karo aan sameyn iyo qaarkood oo eedeymo badan loo jeediyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday dhaliilo badan oo loo jeediyay Hay’addaha Dowlada qaarkood wuxuu Ra’iisul wasaarihiisa ka dalbaday in Xukuumadda isbedelo lagu sameeyo wasiiradda qaar.

Kheyre ayaa laga yaabaa inuu fursado badan siiyo Xildhibaano ku jira Golaha Shacabka oo qaarkood mucaarad ku ah Dowlada Federaalka, waxaana Wasiiradda Xilalkooda weyn kara ka mid noqon kara Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Dastuurka Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirka arrimaha Dibada iyo Wasiiro kale.