LA OGAADAY: Axmed Madoobe Oo Ka Bad baaday Siriq Ay Udhigeen Farmaajo & Kheyre

94

Waxay Dawlada Federaalka Dedaal badan ugaleysaa sidii ay uga hor istaagi laheyd Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Doorashada kusoo laaban lahaa.

Ilo muhiim ah ayaa ku waramaya in uu ka feejignaa Axmed Islaam Madoobe,dibin daabyo lala rabo in lagu rido.

Cabdullaahi Xersi Ciilmooge ayey Kulan la qaateen Madaxda Dawlada Soomaaliya,taas oo lagala hadlay hadii uu ku guuleysto Doorashada Jubbaland waxa uu kusoo kordhin karo.

Wasiirkii Hore Ee Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge oo deegaan Ahaan Jubbooyinka kasoo jeeda waxa uu mucaarad ku yahay Axmed Islaam Madoobe.

Waxa uu dhowr jeer soo bandhigay Khaladaadka Maamulka Axmed Madoobe Hogaamiyo taas oo la sheegay inuu taageero ku raadsanayo sidii xilkaas uu ku heli lahaa.

Dawlada Federaalka waxay gadaal ka riixeysaa siyaasiyiin uu ka mid yahay C/llaahi Ciilmooge oo lala rabo inuu Jubbaland Doorashada ka dhaceysa Bilo kadib ka dhaceysa Jubbooyinka.