XOG: CULUS; Mooshin Cusub Oo La Diyaariyey Baarlamaanka & Lacagtii Ugu Badneyd Oo La Bixinayo

80

Daljire.com(Somalia)-Sida ay inoo sheegeen Ilo lagu kalsoon yahay Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliyeed in ay diyaarinayaan Mooshin ka dhan Ah R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Koobaad Ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu wajahayo eedeymo ku aadan ku tagrifal awoodeed iyo lunsasho Lacagaha Qaranka uu sameeyey.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay R/wasaare Kheyre la geeyo Mooshin lagu diidan yahay Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Lacago badan ayaa lagu bixinayaa sidii lagu tuuri lahaa Xasan Kheyre oo Saaxiib siyaasada ah iyo mid sokeeye la ah Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa ah kuwii Mucaaradsanaa Falsafada Dawlada Ee Siyaasadeeda hogaamineed.

Hoteelo ku yaalla Muqdisho waxaa xalay ka dhacay Kulamo gaar gaar ah oo lagu xod xodanayey Xildhibaanada si loo dar dar geliyo mooshinkaasi.

Dhinaca kalena waxaa socda Xildhibaano taageersan Xukuumada oo lagu jebinayo Mooshinkaas

Daljire.com(Xafiiska) Xog waran

Caligaab34@gmail.com