Dhageyso:-Khasaaraha Ka Dhashay Dab Xalay Ka Kacay Magaalada Gaalkacyo

99

Daljire.com(Galmudug)Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Kaalin shidaal oo ku taal magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug,masuuliyiinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay I uu jiro khasaare lixaad leh oo ka dhashay.

Masuuliyiintu waxa ay cadeeyeen in dabka oo ka kacay kaalinta shidaalka in uu kusii faafay goobo kale oo ku dhegan taasna sabab u tahay magaalada oo aan laheyn dab damisyo ku filan,waxaana ay u mahad celiyeen shacabka oo isku xilqaamay sidii loo bakhtijin lahaa dabkaas.

Goobta uu dabku ka kacay ganacsatii lahaa waxa ay sheegen in ay hanta badan uga gubatay laakiin haatan aysan xog faahfaahsan ka bixin Karin dibna ay kasoo sheegi doonaan khasaaraha soo Gaaray ganacsigooda.